TAALLO maxay taraysaa? Maxaa la gudboon dowladda, maxaase u eg Al Shabaab?

0

(Hadalsame) 14 Okt 2018 – Waxaa maanta 1 sano laga joogaa qarixii Soobbe, dabcan qaraxaasi wuu ka qara waynaa tiro ahaan, balse ma aha inaan sifooyin gaar ah kaligii u adeegsanno, sida qarax bahalnimo ah, xasuuq wadareed, layn shacab, layn aan loo aaba yeelin, qarax aan Islaannimo iyo insaannimo midna waafaqsanayn.

Waayo qaraxyo leh intaas sifo ayaa ka horreeyay kana dambeeyay, marka yaan loo sawirin sidii in ay Al Shabaab qaraxan ka hor shacabka u turi jireen, muddo 12 sano ah ayay shacabka u laynayeen si aan xilkasnimo, naxariis iyo kala sooc lahayn, dadkuna waa ogyihiin.

Haddaba, maanta oo sanad guuro laga joogo saxariirtaas dhacday 14-ka Oktoobar oo ay sidii dhici jirteyba ku be’een dad iska khabar daar ah oo nolol maalmeedkooda ku dhex jira, cidda qarxisayna aan dembi ka gelin.

Waxaa ku dhintay hooyo uur lahayd oo isbitaal u socotey ama ka timid, arday yar yar oo iskuullo kasoo laabatay, gaari gacanle ilmihiisa u xamaalanayay iyo kii uu u xamaalayay, wiil yar oo faqri ah oo loows yar oo uu jidka ku iibiyo noloshiisa iyo tan qoyskiisa ku deberayay, odayaal gar u fadhiyay oo dad kala maslaxayay, shacab rakaab ah oo jidkaa saxmadda ah u marayay xaafadohooda iyagoo kasoo laabanayay shaqooyinkooda iyo danohooda, waxaa ku dhintay xirfadlayaal, dhakhaatiir, gayfanayaal iyo aqoonyahanno dadka iyo dalka anfacayay ama anfici lahaa in ka badan midka naftiisii qaaliga ahayd u adeegsadey inuu dad aan waxba ka galabsan ku qarxiyo.

Waxaas oo dhan waxaa ka daran xanuunnadii iyo silacii looga tegey eheladii, aqribadii iyo dadkii jeclaa umaddaa faraha badan ee sidaa loo laayay, sida waayeel awalba xanuunsanaa oo u dhintay niyad xumi ay ka qaadeen arrintan, haween ku carmaloobey iyo carruur ku agoontoowdey. Soow xaqdarro maaha inaad kala tuurtid nolosha qoys nolosha la halgamayay? Yaa xaqaas iyo sharciyaddaas ku siiyay?

MAXAA DOWLADDA KALA GUDBOON?

Horta waxaan cid kasta oo qaraxii Soobbe ka raadinaysa inay u adeegsato hadaf siyaasadeed la gudboon inay isku xishooto oo ka waantoowdo arrintaas, waayo wax baan qabtay midka ku faanaya waxba maad qaban oo waa kuwaa wada dayacan dadkii laga dhintay, oo aan iyagana markii hore amaankooda la sugin, waxaa dheer, haddii aad dhiig shubtay ama dadka qaar isbitaallo dibadeed u qaadday taasi waa waajibkaagii oo aad gudatey, marka arrintaa qofkii ku jiroow isku xishoo.

Shalay oo ugu dambaysay waxaa shacab kale lagu laayay magaalada Baydha, dowladda iyo ragga sheegta inay gobollada xukumaaan ee afka uun ka nool waxaa la gudboon inay daacad ka noqdaan sugidda amaanka dadka shacabka ah ee ay mas’uuliyaddu ka saaran tahay, kuma filla in taallo meel laga taago ama heeso qiiraysan la qaado, waxa loo baahan yahay waa ficil iyo waxqabad dhab ah, si aanba loogu baahanin fal-celin, qiiro iyo baroor.

Waxaan maalin kasta maqalnaa in dowladda lafteedu aysan arrintan u wajihin si wax ku ool ah oo lagu xaqiijin karo amaanka, waxaan maqalnaa inay dowladda ku dhex jiraan rag caawiya oo soo daaya qaraxyada loo gaysanayo shacabka iyo hantidooda, waxaan maalin kasta aragnaa micne la’aanta sirdoonka dowladda oo leh hay’aad magac u yaal wada ah laakiin magacyo qurxoon.

Waxay dad badani aaminsan yihiin inuusan jirin hannaan amaan (security apparatus) u shaqeeya qaab xirfadlenimo ka muuqato, inaysan jirin tillaabooyin fal-curineed balse kaliya la or-ordo markii ay wax dhacaan, waxaa kaloo la is waydiinayaa sababta mar kasta oo ay wax dhacaan ay niman caddaan ihi samballo uga qaadaan goobta qaraxa, kaddibna aan dib dambe loo maqlin natiijo kasoo baxday, sababta aysan u jirin daba-gal dadka loogu faahfaahiyo sida ay wax u dheceen, cidda ka dambaysay iyo cidda soo daysay.

Maalin dhowayd waxaa jaamacad lagu dhex diley gabar sarkaalad ahayd oo la sheegay inay ka tirsanayd sirdoonka dowladda, haddii ay sidaa ahayd, yaa dusiyay xogta gabadhan oo u sheegay cidda dishey? Soow arrintaasi diri mayso farriin sirgaxan iyo sawir khaldan oo ka muuqda isku halleeynta iyo aaminaadda dowladda?

Dowladdu waxay u baahan tahay in ay talo wax ku ool ah la timaaddo ee TAALLO uma baahna!

MAXAA U EG AL SHABAAB?

Al Shabaab waxaa u eg in ay inta meel fariistaan is waydiiyaan halka ay u socoto siyaasaddoodu, inta qof ee ay ilaa haatan dileen iyo inta ay u dig iyo dam leeyihiin inay dilaan iyo waxa ay taasi ku tartay ee aan ka ahayn in gacantooda lagu sababay qof miskiin ah oo aysan xaq u lahayn xitaa inay xukumaan maaddaama uusan dooran inay dilaan iska daaye.

Waxaa u eg inay is waydiiyaan halka ay diinta Islaamka ee xikmadda iyo cadaaladda ku dhisan uga jirto in dadka laga dhigo mid la dilo, mid la baado iyo mid loo dhaarto, iyo sharciyadda ay taa u haystaan halka ay ka keeneen.

Waxaa u eg inay is waydiiyaan in shacab khasab iyo cabsi gelin lagu xukumi karo iyo halka ay ku dambaysay cid kasta oo isku dayda inay qahar wax ku qabsato, iyaga laftoodu inay taariikhda dib u eegaan iyagoo is waydiinaya sidii ay shacabka usoo dhoweeyeen maalintii ay soo baxayeen ee laga door bidayay hoggaamiye kooxeedyada iyo maanta halka ay ka joogaan quluubta shacabka Soomaaliyeed. Qofkii hadla waa dilayaa halkee diinta uga jirtaa? Ma se tahay qaab umad lagu xukumi karo?

Waxaa u eg inay is waydiiyaan waxa uu falkoodu u taray shucuubta Muslimiinta ah, maanta malla sii qabsaday iyagoo weliba ku khasban mise cisi ayay ku nool yihiin, dunida Muslimka waxaa lagu wada qabsaday waxaan idinka xoraynayaa argagixiso, marka ay halkaa taagan tahay soow ma mudna inaad garowsato in ilmo yar oo lows gadaya oo la qarxiyaa ay kaliya magac xumaynayso diinta Islaamka.

Qofku waa khaldami karaa laakiin waxaa khaladkaa uu galay kasii daran inuu kusii adkaysto oo kusii talax talo. War Allihiin nafta idinku amaanaystay ka baqa oo umaddan silaca kasoo daashey dhibka dheeraadka ah ka daaya!

Hadalsame Media