DAAWO: Goorta & goobta uu ka dhacayo guurka Priyanka Chopra iyo Nick Jonas oo la shaaciyay!

0

(Jodhpur) 14 Okt 2018 – Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay goobta ay ka dhacayso xafladda aroos lagu sheegay midkii sanadka ee dalka Hindiya waana Umaid Bhavan. Priyanka Chopra iyo Nick Jonas oo beryahan Hindiya ku sugnaa ayaa doortay magaalada Jodhpur iyo hoteelka Umaid Bhavan Palace oo ku yaalla gobolka Rajasthan.

Aroosta ayaa loo qorsheeyay 20-ka bisha soo aaddan ee Nofeembar, waxaana lagu casuumi doonaa dad gaaraya ilaa 200 oo marti sharaf ah oo iskugu jira qaraabada labada caruus iyo asxaabta aadka ugu dhow.

Jodhpur, waxay leedahay laba goobood oo aad loo daneeyo – Umaid Bhawan Palace iyo Mehrangarh Fort – waana goobo caan ku ah martigelinta aroosyada iyo dhacdooyinka heerka sare.

2007, Mehrangarh Fort waxaa gaafka ku qabsaday Elizabeth Hurley iyo ganacsadaha Arun Nayar, halka uu meherkoodu ka dhacay Umaid Bhawan Palace. Sanado ka hor, moodaladda reer British ee Naomi Campbell ayaa Mehrangarh Fort kula dabbaal degtey Vladimir Doronin oo 50-jirsadey.

Deepika Padukone iyo Ranbir Kapoor ayaa iyaguna 2013 Mehrangarh Fort ku duubay film-kooda Yeh Jawani Hai Deewani, haatanna waa arooska Priyanka iyo Nick.

Priyanka ayaa xafladda Qubayska Caruusadda oo u dhiganta Shaas-saarka Soomaalida ku qabsanaysa ‘gurigeeda labaad’ oo ku yaalla New York, halkaasoo ay hadiyado ku hafin doonaan saaxiibadeeda Hollywood.

Hadalsame Media