Faahfaahin laga helay duqeyn dhawaan ka dhacday koofurta Soomaaliya

0

(Muqdisho) 10 OKt 2018 – Taliska hawlgalka Maraykanka ee fadhigiiisu yahay dalka Chad  ee la yiraahdo AFRCOM  ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn dhawaan ka dhacday Magaaladda Kuntu-waareey ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntaasi oo dhacday lixdii bishaan ay ku beegsadeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab halkaasna lagu dilay saraakiil ka tirsan ururkaasi.

Waxaa kale oo warka ka soo baxay taliska Africom lagu sheegay in wax khasaare ah aysan soo gaarin dadka shacabka, hase ahaatee ma jiraan illo madaxbanaan oo xaqiijin kara sheegashada AFRICOM.

Hawlgalada dhanka cirka ah ayaa sii xoogaysanayay billhihii ugu dambeeyay waxaana weeraradaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab gaystay ciidamada Maraykanka oo garab siinaya kuwa dowladda Soomaaliya.

Hadalsame Media