WAARE:- ” Shirka maamul goboleedyada ee lagu qabanayo Garowe waa SHARCI DARRO,”

0

(Muqdisho) 10 Okt 2018 – Madaxwaynaha Shirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sharci darro ku tilmaamay shir la filayo in maanta ay Magaaladda Garoowe ku yeshaan hoggaamiyaasha Afar maamul.

Madaxwaynayaasha maamuladda GALMUDUG, Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa inay shir ku yeeshaa magaaladda Garowe.

Madaxwayneha Hirshabelle oo isagu ka baxay golaha isbahaysiga maamuladda ayaa sheegay in shirka lagu wado inuu Garowe ka dhaco uu sharci darro yahay maadama uusan isagu ka qeybgali doonin.

Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda ayaa faraha ka baxay waxaana loo sababeynayaa doorashooyinka ku soo fool leh qaar ka mid ah maamullada.

Hadalsame Media