XOG: Dowladda Somalia oo cutubkii ugu horreeyay kala wareegaysa Xerada Tababarka Turkiga ee Muqdisho

0

(Muqdisho) 06 Okt 2018 – Madaxwaynaha Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sida ay wararku sheegayaan tegeya xerada lagu tababaro ciidamada Somalia ee ay Turkigu ka dhiseen maaalada la Muqdisho.

Dowladda Somalia ayaa la sheegay in ay lasoo wareegayso cutubkii ugu horreeyay ee ay diyaariyeen ciidamada Turkigu, kuwaasoo aasaasi u noqonaya dib u qaabaynta ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidamo leh anshax, nidaam iyo haykal ciidan.

Waxaa la adkeeyay ammaanka jidadka mara magaalada Muqdisho qaybo ka tirsan, gaar ahaan dhanka xiga xerada tababarka ee Dharkeenley iyo Wadajir, waxaana munaasabadda la wareegista ciidamada lagu casuumey danjirayaasha dalalka dibedda u fadhiya magaalada Muqdisho.

Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera dhinacyo ay ka mid yihiin amaanka, tababarka, waxbarashada, caafimaadka kabidda miisaaniyadda iyo dhanka aadminnimada, isagoo Muqdisho ka furtay safaaradda ugu wayn ee uu caalamka ku leeyahay.

Hadalsame Media