DHEGEYSO: Waa ayo dadka la kulma FAQUUQA ugu badan adduunka?

0

(Stockholm) 20 Sebt 2018 – Dadka naafada ah ee aan laxaadkoodu dhamayn waa kuwa la kulma faquuqa dunida ugu badan, taasoo keenta inay qaarkood ku noolaadaan nolol faqri ah oo go’doonsan oo ka dhalatay turaanturrooyinka iyo caqabadaha hor yaalla ee salka ku haya kaalmo la’aan, aragtiyaha khaldan ee laga haysto iwm.

Halkan ka DHEGEYSO…

Waxaa dunida ku firirsan ilaa 1 bilyan oo qof oo naafo ah, kuwaasoo qiyaastii 4 ka mid ah 5-tii qof ee ku nool dalalka uu dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa uu heer dhexaadka yahay ay wajahaan faqri, macluul, fitamiin yari, jirro ay ugu wacan tahay naafada iyo gooni u bixinta bulshada oo u diidda inay naftooda maareeyaan dhaqaale ahaan. Haddaba waxaa arrintaa ka hadlaysa Kristina Henschen, xoghayaha guud ee Radiohjälpen oo ah urur samafal oo dadka ka caawiya dhinacyo kala gedisan isla markaana abaabula barnaamij la yiraahdo Musikhjälpen oo lacag loogu ururiyo dadka naafada ah.

Carruurta da’da yar ee naafada ihi waxay ku nool yihiin go’doon, mararka qaar iyaga oo aan xiriir dhanka afka ah la lahayn degaanka ku hareeraysan oo aanay cidina danaynin, taasoo dhalisa inay kaliya ku tiirsanaadaan kaalmada xubnaha qoysaskooda, daryeel ku habboon oo tayo lehna ma helaan, iyagoo marar badan halis ugu jira in lagu tacaddiyo oo dhib jireed loo gaysto.

Gabdhaha naafada ah ayaa laba jeer kasii dhib badan, iyadoo dalalka qaar khasab lagu dhufaano ama ilmaha laga soo rido, iyadoo loo diido inay ka qayb galaan waxbarashada, si ay u bartaan xirfado la jaan qaadi kara xaaladooda jireed, si ay u dhistaan nolol madax bannaan oo is bixin karta.

Sida ay daraasaduhu muujinayaan in ka badan 10-kiiba 9 ka tirsan dadka naafada ah ayaan dugsi aadin, qaarkood waxaaba laga aaminsan yahay fikrado khuraafaad ah oo iyaga eedda saaraya, marar badan iskuullada ayaanba lahayn qayb u gaar ah dadkaasi oo wax lagu baro, iyadoo ay QM 2006-dii meel marisay qaraar tusmaynaya xuquuqaha dadka naafada ah oo loo dejiyay hab howleed wax loogu qabanayo si loo hagaajiyo tayada iyo heerka noloshooda.

Hadalsame Media