Douglas Costa oo bixiyay “raalli gellin” arrinta uga sii dartay! (Sabab?)

O

0

(Torino) 16 Sebt 2018 – Douglas Costa ayaa raalli geliyay “taageerayaasha Juventus fans” kaddib markii uu kaarka cas ku qaatay candhuuf uu wejiga uga tufau laacibka Sassuolo ee Federico Di Francesco.

“Waxaan doonayaa inaan ka raalli geliyo taageerayaasha Juventus dhamaan falkii ka badbadiska ahaa ee aan ku kacay intii ay ciyaartu socotey,” ayuu Douglas Costa kusoo qoray Instagram.

“Waxaan sidoo kale raalli gelinayaa saaxiibada kooxda, kuwaasoo aalaaba i garab istaaga xumaan iyo samaanb. Waxay ahay arrin foolxun, waana ogahay waana ka raalli gelinayaa qof kasta.” Ayuu daba dhigay isagoo kibir weli ka muuqdo, waayo marna farriintan kuma xusin laacibkii uu ku xadgudbey ee Di Francesco mana raalli gelin.

Macallinka Juventus eeMax Allegri ayaa se xaqiijiyay inay Juve laacibka anshax marin doonto iyadoo ganaaxaysa.

Hadalsame Media