DAAWO: Ronaldo oo goolashiisii ugu horreeyay ka dhaliyay kulan uu Costa dhaqan xumo sameeyay + Sawirro

0

(Torino) 16 Sebt 2018 – Waxaa haatan soo dhamaatay ciyaartii Juventus vs Sassuolo oo ay kooxda Juve 2-1 ku adkaatay.

Halkan ka DAAWO…

Ciyaartan waxaa micne gaar ah u yeelay inuu koontadiisa gool dhalinta furtay CR7 oo wada dhaliyay labada gool ee kooxda Juventus, taasoo ka dhigan guushii ugu horreeysay ee uu Ronie kaligii usoo hooyo kooxda Juve.

Ciyaartan waxaa rooso ka qaatay kooxda Juve laacibka reer Brazil ee Douglas Costa oo wejiga uga candhuufay laacibka Di Francisco.

Hadalsame Media