SAWIRRO: Ciidamada Maraykanka oo si fiican u dhex galay qaaradda Afrika (Somalia oo safka hore ku jirta)

0

(Accra) 14 Sebt 2018 – Ciidamada Maraykanka ee hoos taga Taliska istaraatijiga ah ee uu dalkaasi ku leeyahay qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa layli ciidan ka sameeyay dalka Ghana.

Ciidamada Maraykanka ayaa layligaasi uga qayb galay kuliyad lagu barto dagaal duureedka oo ku yaalla dalka Ghana ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

Layliga ay wada sameeyeen labada dal ayaa ka mid ah heshiis iskaashi oo dhanka ciidanka ah oo u dhexeeya labada dal ee Ghana iyo Maraykanka.


Taliska AFRICOM oo la asaasay sanaddii 2008-dii ayaa haatan sanad jirsadey, waxayna dalal badan oo qaaradda madow ihi ku eegayaan il tuhun ku jiro, iyagoo inta badan iskaashi la leh ciidamada dalalka Afrika oo aan ahayn kuwo isku filan.

Meelaha uu Taliska AFRICOM howlagallada joogtada ah ka fuliyo waxaa ka mid ah dalka Somalia oo ay shalayba mid ka fuliyeen, jeer uusan ilaa haatan dalkaasi lahayn ciidan saaxi ah oo millateri.


Hadalsame Media