FALANQAYN: Maxaa CR7 ka hor taagan inuu gool u dhaliyo kooxda Juventus?! (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2018 – Weeraryahanka reer Portuqiis Cristiano Ronaldo ee dhawaan kuso biiray kooxda ugu tunka weyn horyalka dalka Talyaniga ee Juventus aya soo wajahday abaar dhanka gooldhalinta ah oo an hore loogu aqoon.

Hadaba caaqabadaha ka hortagan haleelida Shabaqa kooxaha kasoo hor jeeda maxay yihiin?

1- LA QABSASHADA JAWIGA IYO NAADIGA CUSUB

Xiddiggaan aya ku jira waayihiisi ugu horreeyay ee kooxda oo u baahan inu qaato waqti uu kula qabsado hab ciyaareedka kooxdiisa iyo falsafada naadigisa cusub taas oo ah mid gabi ahaanba ka duwan xaaladihi uu kuso jiray sanadihii ugu danbeeyay ee Real Madrid.

2 – MACALLINKISA CUSUB OO AN WALI HELIN HALKA UGU HABOON EE UU KA CIYAARSIIN LAHAA

Macallinkisa cusub ee kooxda Masimilliano Allegri ayaa u muuqda mid aan weli helin halka saxda ah ee uu ka ciyaarsiin lahaa xiddigan iyo waliba cidda uu ka garab ciyaarsiin lahaa, taaso u muuqata mid yareeysay fursadaha iyo kalsoonida xidiggani uu goolal ugu bedeli laha fursadaha ay abuuraan weerarka kooxdu.

Ronie ayaa haatan naadigisa cusub ay ciyaarsiiyan booska weerarka tooska ah ee dhexe ee 9 ama sidoo kale 9 beenaad, halka waayihii Madrid uu ka ciyaari jiray garab ama boos xor ah (free role), isagoo badanaa meeshuu doono iska xaadirin jiray sababa la xiriira iskaashiga iyo isfahamka kala dhexeyay saaxibadiisa weerarka si gaar ah, Karim Benzeama.

La soco qayb 2-aad…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Muxyadiin Sheekh Dhoollayare

Hadalsame Media