DAAWO: Cajalad SIR ah oo la sheegay in laga hayo Trump & jawaabta Aqalka Cad oo tuhun sii abuurtay!

0

(Washington, DC) 16 Agoosto 2018 – Xilli uu sii xoogaysanayo muranka ka dhexeeya Donald Trump iyo la taliyihiisii hore Omarosa Manigault Newman oo sheegtay inay hayso cod uu Trump ku aflagaadaynayo dadka madowga ah isagoo adeegsanaya “erayga N-da” oo loola jeedo xumaan lala xiriirinayo madowga, ayaa waxaa arrintu kasii dartay markii uu Aqalka Cad jawaab lala yaabay ka bixiyay. “N-word”.

Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad, Sarah Sanders, oo weriyayaasha xog siinaysay ayaa la waydiiyay inay beenin karto jiritaanka cajaladda ay Omarosa sheegayso.

“Waxba ma damaanad qaadi karo,” ayay ku jawaabtey.

Sanders ayaa si aysan u eedoobin farta ku fiiqday war uu madaxwaynuhu kusoo qoray Twitter-kiisa, iyadoo leh: “Waxaan kuu sheegi karaa inuu madaxwaynuhu arrintan si toos ah uga hadlay can.”

Isniintii, ayuu Trump soo qoray: “Eraygaasi abid kuma jirin qaamuuskayga.”

Hadalsame Media