Duqayn ka socota magaalo ku taalla Shabeellaha Hoose

0

(Basra) 14 Agoosto 2018 – Wararka Laga Helaayo tuulada Basra Ee gobolka shabeelaha dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa sadlhig ay Shabaab ku lahaayeen ay weerar ku qaadeen ciidammo ka tirsan Xoogga Soomaaliya.

Ciidamada Danab ayaa weerarkan ku qaaday halkaa, sidoo kalana waxaa wehlinaya ciidamo Ameerikaan ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarro dhanka cirka ah ay socdaan, sidoo kalana waxaa socda dagaal toos ah oo udhaxeeya Shabaab iyo ciidamada weerarka ku qaaday.

Deegaanno dhowr ah oo Basro ay ku jirto ayaa dhawaan waxaa lagu daadiyay waraaqo ay ku qoraayeen in dadka jilicsan ay deeganadaa isaga baxaan.

Hadalsame Media