DAAWO: Ragga Ugandese-ka ah oo caadaystey arrin ceeb ah!

0

(Kampala) 13 Agoosto 2018 – Waxaa dalka Uganda ka taagan arrin ka maajisay dad badan, kaddib markii ragga dalkaasi lagu eedeeyay inay haweenkooda nuugaan, taasoo caana la’aan dhigtay carruurtii yaryarayd ee ay nuujinayeen.

Florence Namukasa oo ah hooyo ugub ah ayaa sheegtay in cunuggii yaraa iyo aabihiiba ay caanaha hooyada wada rabaan sida ay tiri, waana aragti ay la qabto Wasaaradda Caafimaadka Uganda oo sheegtay in carruurtii iyo odayadii ay ku hardamayaan caanihii hooyada.

Sarah Opendi, oo ah wasiiru dowlaha caafimaada Uganda, ayaa sheegay in ay haween badan iyo rag yari si cad u qireen jiritaanka arrintan, weliba ragga ayay la tahay in ay caanaha hooyadu faa’iido badan u leeyihiin.

”Caanaha carruurta ayaa loogu tala galay ee dadka waawayn looguma tala gelin” ayay ku doodday Opendi oo ragga ugu baaqday inaysan carruurta jalinin. Halkan hoose ka DAAWO.

Hadalsame Media