DAAWO: ”Somalia waxay dhiseeysaa kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedo iyo jidad waawayn”

0

(Muqdisho) 12 Agoosto 2018 – Waxaa shalay Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu daah furey Golaha Dhaqaalaha Qaranka, oo ay ku mideysan yihiin aqoon yahno Soomaali iyo ajnabi isugu jira oo min 4 ah, kuwaas oo dowladda Soomaaliya kala talin doona qaabka dhaqaale ee wadanka loo rabo, waxaana arrintaa ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaradaha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayrre.

Haddaba, Profesoor Xuseen Warsame oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku jira golahaasi ayaa ka warbixinaya waxa ay noqon doonto howsha ay qaban doonaan, wuxuuna sheegay inay diiradda saari doonaan dib u dhiska iyo ka shaqaynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, sida jidadka, garoomada, dekedaha, canshuuraha iwm.

Guddigan ayaa sidoo kale ka tala bixin doona sida ugu wanaagsan ee loo kobcin karo dhaqaalaha dalka, iyadoo la siin doono fursad ay ku eegaan buug xisaabeedyada dowladda dhexe qaab daah furan si loola dagaallamo musuqa Somalia la degey, sida uu sheegay Warsame.

Hoos ka daawo…

Hadalsame Media