HESHIIS DHACAY: Chelsea & Milan oo ku heshiiyay Tiemoue Bakayoko (Goorma ayuu imanayaa?)

0

(London) 12 Agoosto 2018 – Kaddib dhowr maalmood oo wada xaajood iyo kulamo ah, AC Milan iyo Chelsea ayaa ugu dambayn qalinka ku wada aasay heshiiskii la filayay ee raacaha Tiemouè Bakayoko.

Sida uu baahinayo hilinka Sportmediaset, laacibkan Franco-Ivorian-ka ah ee khadka dhexe ayaa caawa kusoo beegan magaalada Milano, isagoo halkaa berri caafimaadka ku maraya, gaar ahaan Clinico La Madonnina.

Laacibkan oo todobaadka xiga 24 jirsanaya, ayaa marka uu caafimaadka maro saxiixi doona qandaraas sanad ah oo amaah sharafeed ah oo ku kacaya €5m iyo €35m ay Milan ku darayso haddii ay xagaaga dambe si buuxda ula wareegayso, waana sicir la mid ah kii uu Chelsea ugu yimid ee siisay kooxda AS Monaco oo kaashatey €40m.

Hadalsame Media