Dib u hawlgalinta dekadda Muqdisho xilliyada habeenkii oo la soo dhaweeyey.

0

(Muqdisho)  12 Agoosto 2018 Dadweyneha ku nool Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa soo dhaweeyey dib u hawlgalinta dekadda Muqdisho xilliga habeenkii iyagoo ugu baaqey dowladda inay kaga faa’iideysato kor u qaadida ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Waa markii ugu horeysay muddo 27 sanno kadib oo hadda dekadu shaqeyn doonto xilliyada habeenkii.

Xalay ayey aheyd markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah daaha uga rogtay mashruuca dib u hawlgalinta dekadda waqtiga habeenkii muddo kadib.

“Waxaan u arkaa fursad qaali ah oo u soo hoyatey shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwooda ku nool caasimadda,” ayey tiri Faadumo Diiriye oo ka tirsa ganacsatada Magaaladda.

“Haddii dowladdu kaga faa’iideysato fursadaan in sare loogu qaado dhaqaalaha iyo ganacsiga waxaa taasi ay noqon kartaa mustaqbal cusub oo u soo kordhay Soomaaliya,” ayuu yiri Faarah Cali Axmed oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho

Dekadda Muqdisho oo iyadu hadda ah Isha Kaliya ee dhaqaale ee dowladda marka laga reebo Garoonka Aden Cade international Airport ayaa waxay shaqeyn jirtay maalintii oo kaliya waxaana dib u hawlgalinta xiliyadda habeenkii ay fursad u tahay ganacstada dalka guud ahaan.

Hadalsame Media.