WAR CUSUB: Shirkadihii saliidda ka sahminayay gobolka Soomaalida oo Adis Ababa loo daad gureeyay!

0

(Adis Ababa) 11 Agoosto 2018 – Kaddib qaaquullooyinka siyaasadeed ee ka oogmey Itoobiya guud ahaan, gaar ahaan gobolka Soomaalida ee Itoobiya iminka hoos taga, ayaa keenay inay halkaa iskaga baxaan sharikaadkii ka wadey mashaariicda sahanka iyo sifaynta saliidda, iyagoo shaqaalohoodii uga cararay dhanka Adis Ababa, sida ay warbaahintu ogaatey.

Poly GCL Petroleum Investments, oo ah sharikad Chinese ah oo sahmisa saliidda iyo gaaska ayaa shaqaaleheedii muhimka ahaa u daad guraysay Adis, sida uu qorayo The Reporter iyagoo awal joogey Hilala, Calub iyo Wardheer oo ay ka wadeen mashaariic saliid baaris ah.

Yeelkeede, howlwadeen sare oo ka tirsan Poly GCL ayaa dafiray inay wax dhibaato ihi jirto. “Waa shaqaale beddel,” ayuu u sheegay The Reporter.  Koang Tutlam (MD), oo ah wasiiru dowlaha Itoobiya ee Qodaalka, Saliidda iyo Gaaska Dabiiciga ah ayaa isna warkan ganafka ku dhuftay.

“Ma aha xog sax ah. Maxay shaqaalohooda ula baxayaan? Howluhu waxayba u socdaan sidii caadi ahayd e,” ayuu waydiiyay The Reporter. Sida uu qabo Koang, waxaa dhacda inay Chines-ku fasax u aadeen Addis Ababa.

Hadalsame Media