Maxaa haatan ka jira magaalada JIGJIGA?

0

(Jigjiga) 11 Agoosto 2018 – Baro ciidan ayaa laga sameeyay meelo mucayin ah oo ku yaalla magaalada Jigjiga, kuwaasoo ka kooban ciidamada booliiska federaalka, kuwa Liyu Police iyo kuwa millateriga, si loosoo celiyo amaanka magaaladan oo caasimad u ah maamulka Soomaalida ee Itoobiya hoos taga.

Waxaa la sheegayaa inuu magaalada Jigjiga ka dhacay kulan dhex maray dadka degaanka iyo maamulka dhexe, waxaana kulankaa fadhiyay Sarreeye Guud Belay Seyoum, oo ah taliyaha Degmo-Ciidameedka dhanka koonfur bari, taliyaha ciidamada gobolka iyo saraakiil kale oo ciidan.

Intii uu kulankaasi socdey ayaa la sheegayaa inay ciidamada heer gobol iyo kuwa heer federaal isku raaceen in amaanka gobolka laga wada shaqeeyo, sida ay faafinayso FANA.

Sida uu sheegay Sarreeye Guud Belay, ciidamadan seddexda nooc ah ee amaanka ka wada shaqaynayaa waxay toos u hoos tegayaan Taliska degmada ciidan ee Koonfur Bari ee ciidamada Xoogga Itoobiya.

Hadalsame Media