REAL MADRID VS AC MILAN: Safafka & shaxaha ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Madrid) 11 Agoosto 2018 – Marka ay kulmaan labada camaaliqo ee isku xiga dhanka Yurub ee Real Madrid iyo AC Milan, waa adag tahay inay taageerayaashu u qaataan kulan saaxiibtinnimo oo caadi ah, waayo labadan naadi waxay metelaan guul, dhaqan ciyaareed iyo sooyaal.

Macallinka Rossoneri ee Gennaro Gattuso ayaac ciyaartan oo soo geleeysa 21:00 wuxuu ku geli doonaa shaxda 4-3-3 sida uu qorayo Gazzetta dello Sport, wuxuuna ka tegey Reina, Strinic iyo Abate oo aan jir ahaan diyaar ahayn, halka uusan u yeerin André Silva oo la sheegayo inuu kooxda ka socdo, Montolivo, Bertolacci iyo Zapata.

Waxaa boos safka 1-aad ah isku haysa Borini iyo Calha, halka Caldara uu kaydka kusoo bilaaban karo, waxaana booska koowaad leh Mateo Musacchio, waxaana kulankiisii 1-aad Milan u safan kara Gonzalo Higuain.

Macallinka Real Madrid ee Lopetegui, oo ay kooxdiisu iyaduna dhowaan Maraykanka kasoo noqotay, wuxuu safayaa koox xooggan maaddaama ay Atletico Madrid kula ballansan tahay Tallinn si ay ula dheesho European Super Cup 15 Agoosto, waxaan se jir ahaan diyaar ahayn Varane iyo Modric, waxaana Milan laga doonayaa inay xakamayso xawaaraha Gareth Bale, dhaqdhaqaaqa Karim Benzema iyo xirfadda sare ee Marcos Asensio, oo la sheegay inuu ku tala jiro inuu kooxdaasi u bedelo CR7.

HOOS KA EEG SHAXAHA LABADA NAADI EE MACQUULKA AH:

Hadalsame Media