Habboon Cali oo kale xilkee ka haysaa Sucuudiga Carbeed?

0

(Toronto) 10 Luulyo 2018 – Habboon Cali waa Gabar Soomaali Kanadiyaan ah isla markaana ah gayfane u dhaqdhaqaaqda dhallinyarada, waxaana xil la taliye dhanka dhallinyarada ah looga magacaabay xafiiska RW Canada ee Justin Trudeau, bishii Juun.

Habboon oo u warrantay Muslim Link ayaa ka sheekeeysay waxyaabaha ay rajaynaysa iyo caqabaadka ay doonayso in ay xalkooda wax ka doonto, iyadoo haatan sanadkii 4-aad dhiganaysa jaamacadda University of Toronto ee Mississauga oo ay ka barato Bayolojiga iyo Cilmiga Degaanka.Habboon ayaa ah jiilka 1-aad ee dalkaasi Canada iyadoo ku kortay Rexdale, Toronto, halka ay waalidkeed 90-kii kasoo qexeen dalka Somalia.

Haddaba, su’aasha milyanka doollar ihi waxay tahay, gabadha Habboon oo kale ihi maxay ka tahay Sucuudi Carabiya?

Jawaabtu ma dhib badna, waayo marka laga soo tago inay hablaha Soomaaliyeed dalkaasi Sucuudiga ka qabtaan shaqo aan waxba dhaamin addoonsi oo ay tacadiyo kale u dheer yihiin, misna waxaa marar badan dhacda kiisas aan cidina daba gelin oo inta la dilo misna jidadka lasoo dhigo gabdho badan oo Soomaaliyeed, mana jiro xitaa hal kiis oo la xalliyay ama ogaanteen qof loo ciqaabay.

Hadalsame Media