DAAWO: Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu liito caafimaadka Dr Abiy Ahmed? (Maxaa ku dhacay?)

0

(Adis Ababa) 10 Agoosto 2018 – Warar aan weli la xaqiijinin ayaa kasoo baxaya dalkaasi Itoobiya, kuwaasoo sheegaya in aysan wanaagsanayn xaaladda caafimaad ee RW Itoobiya.

Warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in loo badinayo in la sumeeyay oo cunto ama cabitaan wax loogu daray, halka warar kale ay sheegayaan in uu madaxa dhiig uga furmay, waloow aysan cidina caddayn karin jiritaanka wararkaasi.

Waxaa baraha bulshadaha laga dareemayaa walaac gaar ka muuqanaya qoowmiyadda Oromada oo uu ka dhashay RW Cabbeey, waxayna inta badan eedda saarayaan qoowmiyaddii xilka muddada dheer haysatey ee Tigreega.

Warar kale oo ay Hadalsame ilo hoose ka heleen ayaa sheegaya in dhowr mar oo hore oo ay ku jirto markii qaraxa lagula eegtay Mekel Square la isku dayay in la khaarajiyo, waxaa xitaa warkani sheegayaa in mar uu Kenya joogey la isku dayay in la dhagro.

Muuqaalkan hoose wuxuu sheegayaa in la sumeeyay Dr Cabbeey Axmed…

Wixii kasoo kordha halkan kala soco….

Hadalsame Media