LABA XAGLOOD KA XEERI: Iibka Ronaldo yaa ku khasaaray yaase ku faa’iidey?

0

(Madrid) 11 Luulyo 2018 – Dhanka Talyaaniga imaanshiyaha Cristiano Ronaldo ee Juventus waxaa lagu tilmaamay ”iibkii qarniga” balse waxaa Marca kasoo muuqday maqaal uu qoray Juan Ignacio García-Ochoa kaasoo aan qarinin shakiga uu qabo arrintan.

“Wareegista Cristiano Ronaldo ee Juventus wuxuu ku tilmaamay iibkii ugu xumaa qarniga. Haa, waxaan iri mid ka mid ah kuwii ugu xumaa, maxaa wacay waxaan ka baqayaa inuu noqdo iib ay ku lug leeyihiin 3 dhinac – Real, Juve iyo CR7 – balse aanu midkoodna ka macaashin, balse waqtiga ayaa sheegi doona… ». ayuu yiri García-Ochoa.

Isagoo sidaa leh ayuu weriyahani ku jeestey Real Madrid, “kolleey waxay soo iibsanaynaa laba, seddex ama xitaa afar laacib si ay u beddelaan Ronaldo, balse ma aha kuwo sanadkii 50 gool dhalin doona muddo 9 sano ah oo xiriir ah.

”Real waxay ahayd inay si fiican uga fikirto degdegta ay kuy dirtay. 100 milyan waa lacag badan marka la eego laacib 33 jir ah, balse kuma habboona Ronaldo. Hayleeyada sicir gooyaa ma jiro (priceless)». ayuu xusuusiyay Real.

Hadalsame Media