Sucuudiga oo qaban la’ SHAQOYIN uu dadkii qaban jirey ka cayriyay!

0

(Riyaad) 11 Luulyo 2018 – Dhaxal sugaha Sucuudiga ee Amiir Mohammed bin Salmaan ayaa isu arka nin doonaya inuu casriyeeyo dalkaasi Sucuudiga Carbeed – balse wuxuu la legdamayaa sidii uu u kicin lahaa dhaqaalaha dalkaasi oo hoobad ku jira.

Sucuudiga oo ay jug gaarsiisey sicirka saliidda oo dhulka galay, ayaa waxaa sidoo kale gabaabsi sii noqonaya maalgelinta shisheeye iyadoo sidoo kale uu raasumaal badani dalkaa dibedda uga baxayo, jeer uu Amiirka oo loo yaqaanno MBS doonayo inuu dib u habayn dhaqaale iyo mid siyaasadeedba sameeyo.

Yeelkeede, hubaal la’aanta ayay dhalisay siyaasadda degdegtu ka muuqato ee aan waaaqiciga u muuqanin ee ninkan ayaa dhalisay inay nabaad guuraan in badan oo ka mid ah shaqooyinka gaarka ah, iyadoo ay dalkaasi ka qulquleen in ka badan 800,000 oo qofood kuwaas oo dalka ka tegey tan iyo 2016, taasoo Sucuudiga kusoo faruurtay shaqooyinkii ay qaban jireen dad ay ka mid yihiin dhismaha, ADEEGTOOYINKA iwm, kuwaasoo aysan qaban karin dadka waddankaasi.

Dadkan oo uu dalka ka diray isla MBS si uu iskugu dayo inuu dadka dalkaasi ka dhaadhiciyo inay ka gudbaan ku tiirsanaanta dakhliga saliidda oo mar uun dhamaan doona, ayay la qabsan la’yihiin dadka Sucuudigu, isagoo saas oo ay tahay ku tala jira inuu banneeyo ilaa 450,000 oo shaqo oo ah haatan qabtaan dad ajnabi ah ilaa 2020.

Waxyaabaha uu doonayo inay Sucuudiyiintu qabtaan waxaa ka mid ah dhanka ganacsiga, waxayna wararku sheegayaan inay haatan taasi jug u gaysatey qaybta hantida ma guurtada ah ee guryaha ka kiraysan jirtey dadka halkaasi usoo shaqa taga oo 1/3 ka ah tirada dalkaasi, waxaa sidoo kale haawanaya dukaamo badan.

Hadalsame Media