DAAWO: ”Waxaad biraynaysaan ”LO’ BARAKAYSAN” – Niman Muslimiin ah oo lagu diley magaalo Hindiya ku taalla

0

(Hapur) 21 Juun 2018 – Qolo u badan madax yarayaal xag-jiroobey oo Hindu ah ayaa nin ku diley mid kalena ku dhaawacay xaafadda Bajhera Khurd oo ka tirsan magaalada Hapur, oo ku taalla gobolka Uttar Pradesh ee dalkaasi Hindiya.


Muuqaal laga soo duubay dhacdadan xanuunka badan ayaa baraha bulshada wareegaya, iyadoo nimankaa lagu maagay oo qura inay neef LO’ ah goowrici rabeen, taasoo weliba ku tiri kuteen ah, iyagoo sheegay ”inay ku ciqaabayaan gowraca wax ay u yaqaannaan lo’da ”baraykaysan”.

Muuqaalka oo aynaan si waadax ah idinla wadaagi karin, sababo akhlaaqi ah dartood ayaa muujinaya ninka oo dhulka yaalla oo ay garaacayaan koox dad ah oo xayraansan. “Ma mudna in biyo la siiyo”. ayuu midkood ku qaylinayay.

Booliiska – oo ay wararka qaar sheegayaan inay markii hore arrinta u wajeheen qaab caga jiid ah – ayaa lasoo werinayaa inay arrintaa u xireen 25 qofoof, iyadoo nimanka la waxyeelleeyay oo Muslimiin ah lagu sheegay Qasim oo 45-jir ah, dhaawiciisiina u dhintay (aun) iyo Samaydin oo ahaa 55-jir.

Waxaana la sheegay inay labada nin kaliya kaxaynayaan neefka lo’da ah, balse magaalada loo geliyay inay qali rabaan kaddibna ay kusoo yaaceen raggan dhibaateeyay.

Hadalsame Media