SAWIRRO: Goolkii xalay Iiraan laga diidey oo sababay in isbitaalka loola cararo xubin ka mid ah xulkaasi!

0

(Kazan) 21 Juun 2018 – Xubin ka mid ah shaqaalaha xulka Iiraan ayaa habeenkii xalay ahaa isbitaalka loola cararay kaddib markii uu saamayn ku yeeshay goolkii xalay laga diidey xulka Iiraan kaddib markii loo eegay tinkolojiyada VAR.


Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Kazan, ayay xulka Iiran oo hal lagu lahaa gool barbarro ah keeneen, kaasoo uu ka dhashay dabaaldeg xayraan ah oo ay aad ugu mirqaameen, balse goolkaa oo uu dhaliyay Saeid Ezatolahi waxaa diidey VAR (Video Assistant Referee).

Kaddib nin ka tirsan shaqaalaha – oo la magac dhabin – ayaa bukooday, waana la waday, iyadoo uu macallinka Iiraan oo ciyaartaa 1-0 lagaga badiyay, uu sheegay in qofkaa isbitaalka loo dhigay.

“Waqti xaadirkan aad baannu u walaacsan nahay maxaa wacay mid ka mid ahshaqaaleheenna ayaa xaalad adag ku jira caafimaad ahaan, kaddib go’aankii VAR,” ayuu ku dooday Queiroz.

“Hadda isbitaalka ayuu jiraa waana u ducaynaynaa annagoo wanaag u rajaynayna. Waxay tani muujinaysaa awoodda dareen ee xulkeenna,” ayuu raaciyay macallinkan reer Portuguese.

Waxaa haatan soo baxaysa inuu qofkaasi haatan fiican yahay oo isbitaalkii laga soo saaray isagoo ku biiray xulka Iiraan oo haatan ciyaarta adag ee Guruub B iskugu diyaarinaya Saransk oo ay Isniinta ku qaabilayaan Portugal oo dhibic qura ka sarreeya.

Hadalsame Media