Dowladda Turkiga oo kordhinaysa taageerada ciidan ee ay siiso Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 21 Juun 2018 – Dawladda Turkiga ayaa balan qaadday inay kordhin doonto taageerada dhinaca tababarada ay siiso ciidamada dawlada Soomaaliya.


Wasiirka Gaashaandhiga dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Ali Amardanbe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka turkiga ufadhiya Soomaaliya iyo saraakiil milatari, masuuliyiinta ayaa kawada hadlay hawlaha ay turkidu kawdaan saldhiga ay kuleeyihiin duleedka muqdisho.

Wasiir Amar danbe ayaa uga mahad celiyay kaalinta ay turkidu ka qaadanayaan in dib udhis lagu sameeyo ciidamada Soomaaliya. Dawlada Turkiga ayaa tababaro ku siisa saldhiga ay Soomaaliya ku leedahay ciidamada Soomaalida , waxay sidoo kale dalkeeda ku tababartaa saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa ku amaanay dawlada turkiga sida ay mar walba ugarab taagan tahay dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Hadalsame Media