XOG: Askar Imaaraati ah oo lagu laayay dagaalka Xudaydah & markab halkaa looga gubey! + Sawirro

0

(Xudaydah) 14 Juun 2018 – Markab Dagaal oo ay leeyihiin Millateriga Imaaraadka oo la weeraray ayaa ku gubanaya Badda Cas, agagaarka dekedda Xudaydah oo ay weerar ku yihiin ciidamada Imaaraadku.

Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee ay Dowladda Iiraan taageerto ayaa la sheegay inay Markabkaasi ku weerareen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah ee Galbeedka Yemen. Sarkaal ka tirsan Taliyayaasha Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay Khasaaro xooggan u geysteen Markabkaasi.

Saraakiisha Maraykanka ayaa iyagana xaqiiyey in ay Markabkaasi weerareen Maleeshiyadda Xuutiyiinta, isla markaana uu soo gaaray burbur ballaaran. Shabakadda u khaaska ah Wakaalladda Wararka Sputnik News Agency ee dalka Ruushka waxay qortay inay Ilo kala duwan u sheegeen inuu dab qabsaday Markabkaasi oo taagan Badda Cas, meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah.

Warbaahinta Wararka ee Almasdar News ayaa iyadana qortay inuu Markabkaasi haatan Badda quusay.Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga waxay shalay bilaabeen Hawlgal Dagaal oo ay doonayaan inay Maleshiyadda Xuutiyiinta kala wareegeen Dekedda magaalladda Xudeydah oo muhiim u ah Ammaanka Maraakiibta isticmaasha Gacan-biyoodka Baab Al-mandab.

Weerarka ay Xuutiyiinta ku qaadeen Markabka Dagaalka ee Imaaraadka waxa uu ku soo beegmay, iyadoo 4 Askari oo Imaaraadka u dhashay shalay lagu dilay duleedka magaalladda Xudeydah ee dalka Yemen.

Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM waxay sheegtay in Ciiddankaasi la dilay xilli ay gudanayeen Waajibaadka Qaran ee Hawlgal ay Rajo soo-celinta Yemen ugu magac dareen Isbahaysiga Sacuudiga ku taageerayaan Dowladda sharciga ee dalka Yemen.

Wakaalladdu waxay magacyadda Askartaasi ku kala sheegtay Lieutenant Khalifa Saif Said al-Khatri, Ali Mohammed Rashed al-Hassani, Sergeant Khamis Abdullah Khamis al-Zayudi iyo Obeid Hamdan Said al-Abdouli.

Hadalsame Media