Maxaad ka taqaannaa taariikhda Bollywood?

0

(Mumbai) 12 Juun 2018 – Bollywood waa Shirkad soo saarta filimada xarunteeduna tahay magaalada Mumbai ee  Dalka India.  Waa shirkada kaliya ee soo saarta Filimada Luqadaha kale ku baxa ee laga sameeyo dalka India, iyada oo ku fasairaysa luqada Hindiga, maadaama India looga hadlo luqado kala duwan. Shirkada Bollywood waxa ay kamid tahay Shirkadaha waaweyn ee filimada sameeya.

Magaca Bollywood waxaa laga soo min guuriyay magaca Bombai iyo (Hollywood) oo la isku daray, waa magacii Mumbai loo aqooni jiray sida {Bombay) “Bo” (Hollywood) “llywood” kadib (Bollywood).

Raja Harishchandra wauxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee Film ka sameeya Shirkada Bollywoodka. Sanadka markuu ahaa 1930 shirkadu waxa ay soo saareesay in ka badan 200 oo film. 1937  Ardeshir Irani waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee sameeya film Color oo Hindi ah.  Kisan Kanya waxa uu ahaa qofkii labaad ee sameeya Film Hindi oo color ah, laakiin manoqon mid hir gala ilaa Sanadkii 1950 kii.

1960-kii iyo horaantii 1970 ayaa lasoo saaray filimada Jaceylka ah iyo kuwa Action ka ah waxaa soo saaray jilaa, Rajesh Khanna, Dharmendra, Sanjav Kumar iyo Shashi Kapoor. Wixii kahoreeyay waxaa lasoo saarayay Filimada kusaabsan  Gobanima doonka. Wixii ka horeeyay sanadkii 2000 filimada Hindiga waxaa lagu soo saari jiray Heeso saaran music-ga lagu yaqaan Hindida, balse wixii ka dambeeyay sanadkii 2000, Music-ga Hindiga waxaa saameyn ku yeeshay Music-ga reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka.

Shirkada Bollywood-ka waxaa ka shaqeeya dad ka yimid dhammaan qeybaha kala duwan ee Dalka India ka kooban yahay, waxa uu soo jiitaa kumanaan jilaa oo u hanqal taagaaya in ay mar uun arkaan ayaga oo magac ku leh bulshada dhexdeeda. In badan oo kamid ah Dadka Hindida waxa ay Mumbai u yimaadaan si ay caan u noqdaan ugana shaqeeyaan meelaha caanka lagu noqdo sida, Theater-rada, Television-nada iwm, si ay u u gaaraan riyadooda una noqdaan xidig caan ah.

Isku soo wada duub ,Bollywood waa meel ay kusoo caan baxaan Aktarada, Filim sameeyaha, Muusikiistaha, Heesaaga iwm. Inta badan Bollywood-ka waxaa Caan ka noqda Khan iyo Kapoor waayo way iska dhaxlaan.

W; D: Mohamed Ahmed Sheikh

 

Hadalsame Media