Anil Kapoor iyo Madhuri Dixit oo filim cusub wada keenaya

0

(Mumbai) 12 Juun 2018 – Dhowr iyo toban sano kadib, waxaa dib u kulmaya aktarrada Anil Kapoor iyo Madhuri Dixit. Filimka Total Dhamaal oo uu soosaraha ka yahay Indra Kumar ayaa la filaa in ay kuwada kulmaan labadaan rug cadaa.

Dhamaal’ oo ah filim taxane ah ayaa waxaa horay loo matalay qeybtiisa koowaad iyo labaad. Total Dhamaal oo ah ka saddexaad ayaa waxaa matali doona aktarada  Ajay Devgn, Anil Kapoor, Madhuri Dixit, Riteish Deshmukh, Arshad Warsi, Javed Jaffrey, Boman Irani iyo Sanjay Mishra.

Marka la fiiriyo aktarada matalaya filimka, wuxuu noqonaya filimkaan mid shactara ah maadaama kuwii ka horeeyay ay ahaayeen shactaro.

Anil Kapoor iyo Madhuri Dixit ayaa filmkoodii ugu dambeeyay wada keenay sanadkii 2001 wuxuuna ahaa (Lajja).

Gabowga oo ah sheyga curyaamiya aktarada ayaan weli laga dareemeen labada jilaa Anil iyo Madhuri. Anil Kapoor ayay da’diisa tahay (61), halka Madhuri ay katahay (50) jir.

Total Dhamaal ayaa laga daawan doona Shineemooyinka 7-12-2018 oo ku aadan Ciida Diwaliga ee India laga dabaal dego.

Mohamed Ahmed

Hadalsame Media