FAAN HEER SARE AH: Trump oo arrin la yaab leh ugu faanay Kim Jong-un + Sawirro

0

(Singapore) 12 Juun 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa Singapore ku leh kulan-madaxeed taariikhi ah lagu tilmaamay, waxaana ilaa haatan dhacay dhowr kulan oo aysan qaarkood rasmi ahayn, mid ka mid ah waxyaabaha ugu qosolka badan ee dhacay ayaa lagu sheegay shaafeertanka Trump oo Kim Jong-un ugu faanay gaariigiisa limousine-ka ah.

Trump iyo Jong-un ayaa xilli ay qado kasoo bexeen wuxuu madaxwaynaha Maraykanku ku dhaqaaqay tillaabo lagu qoslay oo ahayd inuu Kim ku casuumey inuu eego gaarigiisa oo lagu naanayso Bahalka ama The Beast.

Sawirrada ayaa muujinaya labadan hoggaamiye oo usii dhowaanaya limo-ga madaxwaynaha Maraykanka oo ku qoofalan calanka dalkaasi, kahor inta aanu Trump albaabka fur ku amrin mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Hoggaanka North Korea ayaa markaa isagoo dhoolla caddeeynaya eegaya gudaha gaarigan oo ku fadhiya $1.6 milyan oo Doollar, loona naqshadeeyay inuu u gigsado weerar caadi ah iyo xitaa mid kiimiko isagoo madaxwaynaha Maraykanka meel kasta u raaca.

 Hadalsame Media