WAR CUSUB: Goolwalaha Liverpool oo la sheegay inuu madaxa ka qabo dhaawac halis ah oo uu gaarsiiyay Sergio Ramos + Sawirro

0

(Boston) 04 Juun 2018 – Qabtaha kooxda Liverpool ee Loris Karius ayaa la sheegayaa inuu madaxa ka qabo dhaawac ku gaarey ciyaartii dhamaadka Champions League, kaddib markii uu madaxa ka xusuleeyay Sergio Ramos, taasoo weliba la sheegayo inay sabab u noqon karto khaladaadkii kooxdiisa galaaftay ee uu galay.

Karius ayaa la maqlayay isagoo cabaadaya, isagoo u cowdey garsooraha balse waxba looma qabanin sidoo kalena dawayn kama helin kooxda caafimaadka Liverpool, waloow la sheegayo inuu dhaawacani yahay nooca concussion-ka.

Karius ayaa dhamaadkii ciyaarta garoonka Olimpiyskiy Stadium ka baxay isagoo aad u niyad xun oo ay xitaa u garaabi waayeen saaxiibbadii oo ka xumaa khaladaadkii uu galay, balse waxaa haatan soo baxay in Liverpool ay haatan ogaatey inay laacibka wax ka khaldan yihiin, waxaana loo diray isbitaalka takhasusiga ah ee Massachusetts General Hospital ee dalka Maraykanka.

24-jirkan oo haatan fasaxa ku qaadanaya Maraykanka ayaa la kulmay Dr Ross Zafonte, oo ah nin aad u daweeya laacibiinta horyaalka NFL ee Maraykanka oo ay inta badan madaxa dhaawacyo ka gaaraan, kaddib markii uu la tashaday Fenway Sports Group, oo ah sharikadda iska leh Liverpool ee fadhigeedu yahay isla Boston.

Waxaa la sheegayaa inuu laacibku dhowr mar wareeray intii ay ciyaartu socotey jugta madaxa ka gaartey darteed, iyadoo uu laacibkani noqonayo midkii 2-aad ee uu jig gaarsiiyo Sergio Ramos oo ay UEFA ilaa haatan diiddey inay tillaabo dhanka anshaxa ah ka qaaddo.

Ramos ayaa sidoo kale ciyaartaa u qoonsaday qannaaska qaranka Masar iyo kooxda Liverpool Maxamed Salaax oo uu garabka bidix dhaawac ka gaarsiiyay.


Hadalsame Media