SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Amniga Baydhabo + Cod (Maxaa maanta laga hadlayaa?)

0

(Baydhabo) 05 Juun 2018 – Shirka Amniga Qaranka ee ka soconaya magaalada Baydhaba ayaa galay maalintiisii labaad iyadoo shalay uu u badnaa is waraysi, waloow woxoogaa la jeexjeexay arrimaha amaanka.

Shirka oo caadiyan la sheegay in lagu lafa guri doono amaanka ayaa waxaa misna ku jira waxyaabo aan xiriir toos ah la lahayn amaan sida qaybsiga khayraadka iyo ka hadalka doorashada 2020.

Kulanka maanta oo ay u dhan yihiin dhamaanba gobollada ogol hannaanka federaalka ayaa la iskula eegi doonaa amuuraha la xiriira doorashada soo aaddan sanadda 2020 iyo qaabka loo wajihi doono, iyadoo middii dhacday beri dhowayd cabbaar lagu murmayay waxyaabo ay ka mid ahaayeen halbeegga la raacayo inuu yahay mid degaan iyo midka 4.5.

Shirka ayaa caadiyan laga filayaa war-murtiyeed, yeelkeede, sidii dhici jirtayba lama humo in la isku raaci doono iyo in la fulin doono xitaa wixii la isku raaco intaba.

Hoos ka dhegeyso madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo koobaya waxa uu shirku ku saabsan yahay.

Hadalsame Media