Maxaa looga hadlayaa shirka amniga qaranka ee ka socda Magaaladda Baydhabo?

0

(Muqdisho) 04 Juun 2018 – Madaxwayneha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay galinkii dambe ku biiray wufuudda ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa si rasmi ah maanta oo Isniin ah u daah furay shirka amniga qaranka.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya dhamaan hoggaamiyeyaasha Maamuladda dalka ee xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyeha gobolka Banaadir Eng: Omar Osmaan Yariisow ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa.

Ajandayaasha ugu culus ee shirka waxaa ka mid ah, qeybsiga Kheyraadka,Fadaraaleynta dalka iyo dhismaha ciidamo qaran oo awood u leh inay amniga kala wareegaan ciidanka nabad illaalinta ee Midowga Afrika.

Xubno ka tirsan Beesha caalamka ayaa ka qeybalaya shirkaan. Ammaanka Magaaladda Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxana la filayaa in sharkani uu qaato muddo labo cisho ah.

War-murtiyeed ayaa la filayaa in dhinacyadda ka qeybgalaya soo saaraan dhamaadka shirka.

Hadalsame Media