Wefdi ka socda Norway iyo World Bank oo booqday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

0

(Muqdisho) 04 Juun 2018 – Wefdi ka socda Baanka adduunka (World Bank), ayaa kulan kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle Magaaladda Muqdisho maanta oo Isniin ah.

Wasiir Beyle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa face-buuga ayuu ku sheegay in wefdigaan uu kala hadlay hormarinta dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa wefdi kale oo ka socday dowladda Norway.

Dowladda Soomaaliya ayaan illaa hadda ku guuleysan inay soo daabacato Lacago cusub oo shillin Soomaaliya.

Hay’adda Caalamiga ah ee lacagta IMF iyo Baanka adduunka ayaa dhawaan sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtey tijaabooyin la xariira kobcinta daqliga gudaha islamarkaana taasi ay fursad u tahay dalka sidii looga cafin lahaa daymaha iyo sidoo kale in Soomaaliya muddo kadib soo daabacan karto lacag shillin Soomaali cusub.

Hadalsame Media