Ka bogo jilayaasha & dadka caanka ah ee qaatay diinta Islaamka! (Qaybtii 2-aad)

0

(Mumbai) 04 Juun 2018 – Dalka Hindiya waa dalka dunida ugu diimaha badan iyo halka ay ku aasaasmeen diimo badan oo haatan dunida looga dhaqmo oo ay ka mid yihiin Hinduism, Buddhism, Sikhism iwm.

Sidoo kale waxaa qaybtan ku jira dad ku nool dalal kale oo haysta diimo kale ee aannu sii dhiraandhirinno sheekada qaybteeda 2-aad.

MUHAMMAD ALI: Waa Cassius Clay… Allaha u naxariistee, waa mucjisadii feerka, horyaalka adduunka iyo ninkii hantay billadihii dahabiga ahaa ee Olombikada, Muhammad Ali. Wuxuu ku barbaaray diinta Masiixiga waxaana la oran jirey Cassius Clay. Yeelkeede, sanaddii 1962-kii, isagoo jira gu’ 20-aad, ayuu la kulmay Malcolm X, kaasoo ku xirey ururka The Nation of Islam, oo ahaa dhaqdhaqaaq diimeed oo u taagan inuu si ruuxi ah u xoreeyo dadka madoow ee Maraykanka.

Cali oo fikraddaa la dhacay, wuxuu qaatay diinta Islaamka, isagoo uu kabiir u yahay isla Malcolm X. Sanaddii 2005, waxaa la sheegay inuu bilaabo inuu raaco xerta Suufiyada ee diiinta Islaamka.

SHARMILA TAGORE (BEGUM AYESHA SULTANA): Waa jilaayad caan ka ah Bollywood magaceedu waa Sharmila Tagore, gabadhan abaalmarinta ku guulaysatey waxay usoo noqotay diinta Islaamka markii ay jeclaatay ciyaaryahankii Muslimka ahaa ee geeriyoodey Mansoor Ali Khan (AUN), waxayna gashay diinta Islaamka intii aysan is guursanin.

Waxay ku barbaartay diinta Hindu-ga, balse waxay bedeshey xitaa magaceedii oo ay guurka kaddib ka dhigtay Ayesha Begum, waxaa Ilaahay ku mannaystay 3 carruur ah oo uu ka mid yahay aktarka caanka ah ee Saif Ali Khan, gabadha naqshadeeysa waxyaabaha la isku qurxiyo sida dahabka ee Saba Ali Khan iyo jilaayadda Soha Ali Khan.

La soco qaybta 3-aad….

Hadalsame Media