DAAWO: Isbahaysiga Sucuudiga oo Maraykanka ku qalqaalinaya inuu kala qayb qaato qabashada dekedda Xudayda!

0
FILE PHOTO: Giant cranes, damaged by Saudi-led air strikes, are seen at a container terminal at the Red Sea port of Hodeidah, Yemen November 16, 2016. REUTERS/Khaled Abdullah/File Photo

(Xudaydah) 04 Juun 2018 – Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo ayaa la sheegayaa inay Maraykanka ka dalbadeen taageero toos ah si ay u qabsadaan dekedda Xudaydah ee Yemen, taasoo ah isha ugu muhiimsan ee ay haatan wax uga degaan dalkaasi oo ay dhibaato bini aadminnimo ka gaartey go’doominta iyo dagaalka ku socda.

Ku dhowaad todobaad, ayay ciidamada uu Sucuudigu hoggaaminayo diyaarinayaan weerar saf ballaaran oo ay ku qaadaan dekedda Xudaydah oo ah magaalo ay deggan yihiin 400,000 oo qof, ahna dekedda 4-aad ee ugu wayn dalkaasi, iyadoo haatan ka mid ah ilaha yarka ah ee uu gargaarku uga dego dalkaasi go’doonka lagu macluuliyay.

Yeelkeede, kahor inta aysan jarin wax ay ugu yeereen “xididka ugu dambeeya ee ay ka dhiigaystaan Xuutiyiintu,” waxay isbahaysiga Sucuudigu kaalmo toos ah waydiisteen Maraykanka sida uu qorayo Wall Street Journal (WSJ.

Sida ay sheegayaan saraakiil is qarisay oo arrintan la socota, Imaaraatka Carabka ayaa codsigan ula tegey Washington, waxaana haatan codsigaa ”si deg deg ah u qiimaynaya” Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Mike Pompeo.

Imaaraatka ayaa Maraykanka ka doonaya inay ka caawiyaan dhanka sirdoonka, gaar ahaan dayuuradaha is wada ee Drone-ka, kahor inta aysan ku dhaqaaqin howlgalka ay ku qabsanayaan Xudeeydah, waloow ay qaar ka tirsan saraakiisha sarsare ee Maraykanku ka walaacsan yihiin cawaaqibka ka dhalan kara haddii uu Maraykanku ku lug yeesho khilaafkan, misna waxaa jira kuwo u guuxaya fikraddan.

Halkan ka DAAWO….

FILE PHOTO: Giant cranes, damaged by Saudi-led air strikes, are seen at a container terminal at the Red Sea port of Hodeidah, Yemen November 16, 2016. REUTERS/Khaled Abdullah/File Photo

Hadalsame Media