WARBIXIN: Manchester City Oo Kusii Dhawaaneysa Iney La Saxiixato Xidig Mar Noqday Kan Ugu Wanaagsan Premier League

0

Manchester City ayaa ku dhawaaneysa saxiixa xiddiga reer Algeri Riyad Mahrez sida ay ku warramayaan warbaahinta Ingiriiska.

27-jirkaan heerka caalami ayaa ka dalbaday kooxdiisa Foxes iney iibiso bishii January iyadoo Citizens ay aad u xiiseyneys balse maamulka kooxdiisa ayaa ka biyo diiday walow ay hadda diyaar u yahiin iney iibiyaan.

Sida warbixinada sheegayaan xidigaan wuxuu ku imaan doonaa Etihad Stadium aduun dhan 75 Malyan oo Pound isagoo noqonaya xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxdaan, sidoo kalana liiska ciyaartoyda ugu qaalisan Premier League dhinac kasoo gali doona.

Guardiola ayaa doonaya inuu kooxdiisa ku guuleysatay Premier League iyo League Cup dib u xoojiyo si ay tartamada oo dhan ugu tartamaan fasalka soo aadan.