Taageerayaasha Nigeria Oo Mooday In Sergio Ramos Uu Calankooda Xirtay Kadib Kulankii Liverpool Ee Kiev

0

Taageerayaasha Nigeria ayaa ku qaldamay calan uu kabtanka Real Madrid Sergio Ramos soo xirtay xiligii ay kooxdiisa u dabaal dageysay koobka Champions League kadib ciyaartii ka dhacay magaalada Kiev.

Real Madrid ayaa 1-3 ku garaacday Liverpool kulan uu laba gool dhaliyay Gareth Bale, balse qof walba oo Nigeria u dhashay wuxuu ku baraarugay calanka uu qeybta hoose ee jirkiisa ku xirtay Sergio Ramos.

Calanka uu soo xirtay wuxuu lahaa midab Cagaar iyo Cadaan ah waana si la mid ah Nigeria balse wuxuu sida xaqiiqda ahaa calanka gobolka uu kasoo jeedo ee Andalusia oo ku yaala dalka Spain.

Dadka waxey durba wax iska weydiiyeen sababta uu ninkaan usoo xirtay calankooda iyo hadii uu jiro nasiib mar walba ku haga inuu calankaan soo xirto.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa twitter-ka kusoo qoray: “Sergio Ramos ayaa mar kale xirtay calanka Nigeria, waana mid ka wadanisan in badan oo Nigerian ah”