Ku kobci kaskaaga!

0

(Roma) 24 Maajo 2018 – Beri dhexdaas ah waxaa ciqaab ahaan kataangaha loo saaray laacibka Radja Nainggolan, kaasoo ay kooxdiisa AS Roma ka fariisisey kulankii ay la lahayd Atalanta oo gurigeeda uga badisay 1-2.

Sababta ay Roma laacibkan u ganaaxdey wax kale ma ahayne waxay ahayd inuu Instagram-ka soo dhigay muuqaal muujinaya isaga oo sigaar cabaya isla markaana cabsan.

Kaddibna maamulka kooxdiisa Roma oo ficilkaa ka caroodey ayaa laacibka ku canaantay inuu ku ciyaaray anshaxa isla markaana uu tusaale xun u dhigay carruurta yar yar ee isaga sare u eegaysa.

Waxaa xusid mudan in laacibkan oo laf-dhabar u ah khadka dhexe ee Roma ay kooxdiisu qiime badan ku bixisay maqnaanshihiisa, waayo gurigeeda ayaa looga badiyay, lkn waxay qiimahaasi u hurtay inuusan laacibku ku tumanin anshaxa.

Kooxdan walaa laacibkani ma aha Muslim, balse waxaan warkan ku keenay in maanta annagoo Muslim aan kasii tegeyno anshixii suubbanaa, baraha bulshada Soomaalida waxaa ku jira dad badan oo iskugu jira rag iyo dumar oo wixii ay doonaan sameeya ama ku hadla iyagoo LIVE usoo gala Facebook ama qoraallo soo dhiga, lkn la isma waydiiyo wasakhda ay ku duubayaan wacyiga carruurta yar yar ee Soomaaliyeed, in badanina inay taasi wax u dhimayso umaba maleeyaan.

Waxaa Qoray; Maxamed Xaaji

Hadalsame