Beesha waxaa ku gambada siyaasi beenaale ah

0

(Somalia) 24 Maajo 2018 – ISKA JIR: Ma jirto beel gaar ah oo wax gaar ah isku raacsan ama diiddan, sidaa darteed, abidkaa ha aaminin ra’yigaagana haku dhisin reer hebel baa kan ah ama keer ah, haddii aad sidaa yeesho, waxaad ku jirtaa DABINKA ganacsiga balaayada ka macaasha/ay, siyaasiga beenloowga ah, oday koofi bacle iyo beenloowga wax u qora.

Tan kale, beel isku dan ihi maba jiri karto farsamo ahaan, waayo midka lacagta lihi ku dan ma aha midka uu leggu baahi la godmey, kan siyaasiga ihi ku dan ma aha qofka shacabka ah, burjawaasigu waxba uma hayo midka uu busku indhaha ka galay, ee yuusan ku hodin nin ay isu saaran tahay oo xaaladda markaa taagan shilimaad ka raadiya.

Waxaa nagu wada filan wixii dan u wada ah umadda Soomaaliyeed, taana waxaan kaga mira dhalin karnaa inaan yeelanno wax guud oo naga wada dhexeeya.

Hadalsame