Kulan lagu taageeraayo dhismaha Dekedda Hobyo oo ka dhacay Gaalkacyo + Sawirro

0

(Gaalkacyo) 17 Dis 2018 – Kulankaan lagu taageeraayay Saxiixii Ra’iisulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre uu magaalada Dooxa ee Dalka Qadar kula galay Madax ka tirsan Dowladaasi ayaa Maanta lagu qabtay Hotel-ka FIVE ee Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Nabadaynta Soomaaliyeed.

kulanka ayaa waxaa soo Agaasimay Dowladda hoose ee Dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxaana ka qeyb galay Maayarka Degamada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Bare, Xumno ka tirsan Maamulak Gobalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee Caasimadda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Maayarka Gaalkayo ee Galmudug Mudane Xirsi Yuusuf Bare oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay taageeraayaan Go,aankii iyo Saxiiixii Xasan Cali Khayre Ra’iisulwasaaraha Dalku Magaalada Dooxa ee Dalka  Qadar kula galay Dowladaasi isagoona ka dalbaday R/wasaarahu inuu ka dhabeeyo Dhismaha Dekedda Magaalo Xeebeedka qadiimigaa ee Hobyo.

Kualnkaan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan Magaaalada Dooxa ee Dalka Qadar Heshiis ku saabsan hirgalinta Mashaariicyo horumarineed oo ay ka mid ahayd Dhismaha Dekedda Magaalada Hobyo oo horay u dhagax-dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaayo ku kala saxiixdeen Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xasan Cali iyo Qadar.

Dekedda Magaalo Xeebeedka qadiimigaa ee Hobyo ayaa ka mid ahayd Xaruumihii ku burburay dibu dhicii Dalka hase yeeshee Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ku taamayay inay mar uun dhismi doonto Dekeddaasi iyadoo wali ay dhagta u taagaayaan, sida lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

Hadalsame Media