SAWIRRO: Xabsigii Godka Jilacow ee Magaalada Muqdisho oo la xiray (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 16 Dis 2018 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa albaabada u laabtay xabsiga Godka Jilacow oo ku yaala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, Magaalada Muqdisho.

Wasiirada Amniga iyo Cadaalada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Abuukaate Xuseen Xasan Xaaji oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Albaabada loo laabay Xabsigii Godka Jilacoow.

Waxa ay sheegeen in sababta loo xiray ay tahay kadib cabasho ka timid Shacbaka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha xaquuqul Insaanka,taas oo ku aadan in Xabsiga uu ahaa goob dadka lagu dhibaateyn jiray.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado Xaaladdaha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Agaasimaha warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay albaabada isugu dhufatay Xabsigii ku yaallay Godka Jilacoow, waxaana loo baddalay Akaademiyadda Jilacoow si tababarro ku saabsan xuquuqul insaanka loogu siiyo shaqaalaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Tallaabadan waxay qeyb ka tahay isbadallo isdabajoog ah oo ay Wasaaraddu ku sameynayso laamaha amniga, loogana jawaabayo cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xabsigan


Hadalsame Media