Faahfaahin ku saabsan kulan dhex maray wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya iyo Boqorka Sucuudiga

0

(RIYAAD) 12 Dis 2018 – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawed ayaa kulan kula qaatay Boqorka Sacuudi Carabiya, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud.

Shirka ayaa looga hadlay maanta sidii loo adkayn lahaa xiriirka Labada dal, adkaynta ammaanka Gobolka Geeska Afrika, horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalalka dhaca Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Mr. Cawad ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiirrrada arrimaha dibedda ee Dalalka Masar, Jabuti, Suudaan iyo Yemen, kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dhisi Urur ay ku mideysan yihiin Waddamada Gacanka Carbeed iyo Dalalka Afrika ee dhaca Badda Cas.

Hadalsame Media