SAWIRRO MARQAATI AH: Chelsea oo qarka u saaran ganaax lacageed & in 4 suuq laga mamnuuco + Sababta (Kooxaha EPL oo iyagana la baarayo!)

0

(London) 15 Nof 2018 – Chelsea ayaa halis ugu jirta in laga mamnuuco 4 suuq iyadoo gorodda loo gelin karo ganaax 2 sanadood, kaddib baaritaan dheer oo ay FIFA ku haysey qaabka ay kusoo qaadatay Bertrand Traore.

Saraakiil ka tirsan Waaxda FIFA ee Integrity and Compliance ayaa 3 sanadood baarayay kiiska the Traore iyo 13 heshiis oo kale oo khuseeya qaabka ay kooxda reer London kusoo xera gelisey laacibiin U-18 ah.

Sida ku dhigan warqaadka Faransiiska ah ee Mediapart, oo ah mid ka mid ah hay’adaha warbaahineed ee daabacaya siraha Football Leaks, ayaa sheegay in Chelsea lagu ganaaxayo £45,000 oo gini iyo in laga mamnuuco inay kasoo dukaamaysato 4 suuq kala iibsi.

Hal mid waxay ku mudatay qaabka ay kusoo qaadatay Traore 3-da kalena xadgudubyo ay ka sameeysay 13 kiis oo kale, iyadoo ay FIFA sidoo kale baarayso kooxaha kale ee Premier League.

Laacibkan reer Burkina Faso ee Traore signed ayaa qandaraaskii xirfadlenimo ee ugu horreeyay saxiixay Sebtember 2013 markaasoo uu 18 jirsadey isagoo diiwaanka galay suuq-jiilaalkii Jannaayo 2014, yeelkeede, Mediapart, ayaa kashiftay inay FIFA ogaatey inay Chelsea marin habaabisay taariikhaha rasmiga ah oo ay khiyaano iyo xeel adeegsatey.

Traore ayaa Chelsea u saftay isagoo 16 jir ahaa kulan Under 18 ah oo ay Arsenal la dheeshey. Wuxuu kaloo naadigu qirtay inay wiilka hooyadii la macaamileen 2011 oo ay siiyeen £155,000 oo gini bishii Abriil ee sanadkaa, iyagoo £13,000 naadiga AJE Bobo-Dioulasso, oo ah guddoon ka tahay isla hooyada si laacibka ay iyaga oo qur ihi marka dambe u qaataan.

Hadalsame Media