”Madaxa hallaga jaro Carabta, Masar halla duqeeyo, Nukliyeer la dhaca Xamaas…” – Maxaad kala socotaa nacaybka gaamuray ee Lieberman oo is casiley + awirro

0

(Tel Aviv) 14 Nof 2018 – Avigdor Lieberman ayaa iskaga tegey xilkii wasiirka Difaaca Yuhuudda, balse waxaa weli yaalla kaydkiisii ku aaddanaa karaahiyada uu u qabo Carabta – min in qoorta laga jaro wax uu ugu yeerey Carabta aan daacadda ahayn ilaaa soo jeedinta in la duqeeyo Masar – oo dadka xusuusinaysa sida ay u fog tahay xag-jirnimada ninkan oo lagu misaaley Daacishta Yuhuudda.

Lieberman, oo ah ninka abuuray xisbi midigta fog ah oo la yiraahdo Yisrael Beiteinu Party, ayaa maanta iska casiley isagoo xabad joojintii ay Yuhuuddu la gashay Xamaas ku tilmaamay “isu dhiibid argagixiso.”

Haddii uu warkani la yaab ku geliyo, dabcan ma ihid qof si wanaagsan uga dheregsan aragtida siyaasadeed ee Avigdor Lieberman oo dhowr toban sanaale soo taxayey baarrankan biirta ah, isagoo lagu sheego cilmaani qaaraami ah oo ay xag-jirnimadiisu gaartey heer Fajiistanimo.

Halkan waxaan ku haynaa qaar ka mid waxyaabihii la yaabka lahaa ee uu ninkani yiri sanadihii tegey ilaa iminka:

Madaxa hallaga jaro Carabta!

Lieberman ayaa isagoo wasiir ah si cad ugu baaqay in Carabta deggan dhulka la haysto ee Israel oo ay iminka ka yihiin 20% ay daacad u noqdaan dowladda ama qudha laga wada guro.

”Kuwa naga horjeeda, wax kaloo la samayn karaa ma jiraan – waxaan u baahan nahay inaan faas qaadanno oo aannu madaxa ka jarno. Haddii kale noolaan mayno.” ayuu yiri iyadoo ay Carabta ku jirta Knesset-ka Israel ay ninkan ku sheegeen nin doonayo abuurista ”Daacish Yuhuudi ah.”

Israel maxaabiista Falastiin haku hafiso Badda Dhinsan!

Nacaylka Lieberman ee Carabtu wuxuu ahaa moowqif siyaasadeed oo aan is bedelin. Luulyo 2003, isagoo markaa ahaa Wasiirka Gaadiidka wuxuu soo jeediyay inuu soo diro basas lagu guro maxaabiista Falastiin si deeto loogu hafiyo biyaha Badda Dhinsan.

Nukliyeer halala dhoco Xamaas!

Is casilaadda Lieberman ee sidoo kale la xiriirta diidmadiisa ku aaddan in xabad joojin lala galo Israel ma aha mid la yaab leh. Bishii Jannaayo 2009, Lieberman wuxuu ku dooday in loo baahan yahay in sida uu ku taliyay “Xamaas dagaalkaba la nacsiiyo” – Isagoo soo jeediyay in Nukliyeer lala dhoco sida uu Maraykanku yeelay Japan 1945-kii.

Xildhibaannada Knesset ee la kulma maamulka Falastiin waa in la laayaa!

Bishii Maajo 2006, Lieberman wuxuu ku baaqay in la toogto Carabkii isagoo ka tirsan Aqalka Knesset lagu helo la kulanka maamulka Falastiin ee PA oo ay markaa Xamaas hoggaaminaysay.

Israel waa inay duqaysaa Masar!

Ugu yaraan dalka Masar ayaan ka nixi doonin is casilaadda Lieberman: Sanadkii 2001, wuxuu siyaasigan hindisey in la duqeeyo biyo-xireenka Masar ugu muhiimsan ee Aswaan, haddii uu Xusni Mubaarak ciidamo soo dhigo lama degaanka Siinaay oo ka tirsan dhulka Masar.

Israeli prime minister Benjamin Netanyahu (R) listens as Israel’s new Defence Minister Avigdor Lieberman, head of far-right Yisrael Beitenu party, speaks during a media conference following Lieberman’s swearing-in ceremony at the Knesset, the Israeli parliament, in Jerusalem May 30, 2016. REUTERS/Ronen Zvulun TPX IMAGES OF THE DAY – RTX2EVP3

Hadalsame Media