Shacabka Muqdisho oo loogu baaqay inay hurdada ka toosaan oo iska dhiciyaan kuwa caadeystay daadinta dhiigooda

0

(Muqdisho) 10 Nov 2018 – Dowladda Soomaaliya ayaa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Magaaladda Muqdisho ku boorisay inay meel uga soo wada jeestaan kooxda Al-Shabaab ee caadeystay weerarada lagu beegsanayo goobaha shacabka ee Caasimadda.

Qaraxyadii ka dhacay shalay galinkii dambe Magaaladda Muqdisho kuwaas oo lagu weeraray Hotel Saxafi ayaa dhimashada iyo dhaawaca ugu badan waxaa uu ka soo gaaray dad shacab ah oo qaar kood saarnaa gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka iyo Bajaajta.

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo ka tacsiiyay weeraradaasi bahalnimada ahaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabku fadhiga ka kaco oo ay iska celiyaan kuwa caadeystay daadinta dhiigooda oo uu ula jeedaay ururka Al-Shabaab

Sidoo kale wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya oo weerarkaasi si kulul uga hadashay ayaa sheegtay in shacab iyo dowladba loo baahan yahay inaan la sii daawan falalka arxan darrada ah ee Al-Shaabab ka gaysanayaan Magaaladda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkii shalay kaa oo galaaftay nolosha dad shacab ah oo ka badan  35 ruux kadib sadex qarax oo ka dhacay Isgoyska KM4.

Hadalsame Media