”Guusha Man United xitaa nasiib laguma tilmaami karo!” – Ronaldo + Sawirro

0

(Torino) 08 Nof 2018 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in Manchester United “aysan waxba ka samaynin ciyaarta” isla markaana ay Juventus “ay ciyaarta mar hore ku dili kartey 3-4 gool.”

Laacibkan ayaa xalay goolkiisii 1-aad ee Champions League u dhaliyay Juventus, wuxuuna ahaa mid qurxoon oo uu kubad dheer ka helay Leonardo Bonucci taasoo uu toogtey isagoo 10 yaardi goolka u jira, balse kooxdiisa waxaa lagu jiiray 2-1 ay Manchester United dhalisay dhamaadkii.

“Manchester United ma samaynin  wax ay ku istaahishay inay ciyaartan ku badiso. Xitaa nasiibna koleey ku tahay, maxaa yeelay annaga ayaa goolasha u sallaxnay. Haatan waa inaan madaxeenna sare u dhignaa waayo weli annaga ayaa guruubka hoggaaminayna.” ayuu yiri Ronie oo xalay ciyaarta wacdaro ka dhigay.

Hadalsame Media