JAAMACADDII DAAFACA: “Bonucci iyo Chiellini waxay Jaamacadda Harvard University ka dhigi karaan sida loo difaaco kubadda cagta!!”

0

(Manchester) 24 Okt 2018 – Macallinka Man United ee Jose Mourinho ayaa aad u amaanay guud ahaan kooxda Juventus oo uu ku tilmaamay mid tayo ahaan ka heer sarreeysa kooxdiisa, isagoo sheegay in markii uu isku aadka arkay uu guddoonsadey inuu Valencia kula dagaallamo kaalinta 2-aad.

“Juventus waa heer kale tayo ahaan, waa inaan dhabta ka hadlaa. Heer tayo, deganaan, khibrad iyo aqoon. Aasaaska kooxda waxay haystaan  Bonucci iyo Chiellini.

“Waa aasaas kuu ogolaanaya inaad si barraad la’aan ah u weerartanto. Kubadda lumi, dhib malaha, halkan baan kuu joognaa, ayay leeyihiin” ayuu yiri.

“Bonucci iyo Chiellini waxay Jaamacadda Harvard University ka bixin karaan casharo ku saabsan sida loo difaaco kubadda cagta.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media