”Real Madrid uma barooranayso laacib ka dal doorsaday!” – Isco oo u hadlay sida milkiilaha Real Madrid

0

(Madrid) 23 Okt 2018 – ”Real Madrid uma barooran doonto Ronaldo, waayo ma uusan dooneynin inuu halkaan sii joogo” ayuu yiri Isco oo uu soo xigtey Goal.com.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa sidoo kale difaacay macalinka kooxda Julen Lopetegui, isaga oo sheegay in ay tahay “waalli” in la cayriyo ka dib laba bilood oo uu macalin ahaa.

Isco ayaa ku adkeysanaya in Real Madrid ay diidan tahay in ay ka shalaydo iibinta Cristiano Ronaldo oo ku biira Juventus, isagoo su’aal ka keenay sababta ay u tebayaan ciyaaryahan aan dooneynin inuu matalo Los Blancos.

Dhab ahaantii, kooxda Julen Lopetegui ayay xaaladdu ku xuntahay waxana ay jabisay rikoorka gooldhalinta kooxda ee daqiiqadaha aan gool la dhalin markii ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Levante Sabtidii.

Dib u dhacaas Isco dan kama laha. “u ma barooran karno qof aan dooneynin inuu halkaan sii joogo,” ayuu u sheegay warbaahinta. Dhanka kale, xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa caddeeyey cadaadiska u la kulmay macalinka kooxda Lopetegui ka dib dhowr bilood oo uu macalin u yahay.

Inkastoo Madrid ay ku jirto kaalinta todobaad ka hor kulanka axadda ee El Clasico ay la ciyaarayaan Barcelona, ​​waxa ay fadhiyaan booskii ugu hooseeyey ee horyaalka ka dib sagaal kulan muddo 17 sano ah. “Saxaafaddu ma lahan awood ay uga takhalusto tababaraha Madrid.

Waxaan si buuxda u aaminsannahay halka kooxdani ay gaari karto, tababaraha ayaa kalsooni buuxda ku qaba ciyaartoyda. Hadaba, waxyaabo badan baa dhici kara, laakiin waxaan ku rumaysnahay inaan heli karno xilli ciyaareed aad u wanaagsan,” ayuu Isco ku dooday. “Waxaan u maleynayaa inay noqon doonto waali ”cayrinta macallinku”, waa inaad u ogolaataa inuu qabsado shaqadiisa.

Wuxuu halkan joogey laba bilood. Haddii la cayriyo tababaraha, waa inaad nafasaxdaa dhammaanteen. Annaga ayay tahay inaan goolal dhalinno ama si fiican u ciyaarno. Waa howl wadareed, khaladka ma wada lahan tababaruhu. ”

Waxa la isla qirsan yahay in xirfadlaha shanta jeer ku guulaystay Ballon d’OR uu muddaba khilaaf ka la dhaxaysay Isco kahor intii aannu Ronaldo ugu wareegin $99 milyan kooxda Juventus xagaagii la soo dhaafay.

Hadalsame Media