Erdogan oo 4 qodob ka taabtay khaarajinta Khashuuqji & sirta ka dambaysa

0

(Ankara) 23 Okt 2018 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa in yar uun kahor u khudbeeynaya baarlamanka dalkaasi ee Ankara fadhiya, isagoo sidii uu shalay ballan qaaday ka hadlaya qaabka loo qorsheeyay dilka Jamaal Khasuuqji.

Erdogan oo ka hadlayay Baarlamanka ayaa sheegay in dadka dilka geeystay oo 18 ruux ka koobnaa lagu maxkamadeeyo Istanbul gudaheeda madaama uu dembigu ka dhacay Istanbul.

• Sidoo kale Erdogan ayaa sheegay in uusan ku qancin Jawaabta sacuudiga ay ka bixiyeen qaabka uu u dhacay Dilka.

• Arrinta Dilka isagoo ka hadlaya ayaa yiri Erdugan Jamal Khashuuqji Waxaa loo dilay si arxan daro ah oo bani’aadanminnimada ka baxsan.

• Erdogan ayaa sheegay in Sauudiga markii hore ay diideen in Wariye Jamal lagu dilay Qunsuliyada Dhexdeeda balse markii dambe ay ogoladeen Waxa uu sidoo kale uu iswaydiiyay halka ay geyeen mayd .

• Ugu dambayntii Erdogan ayaa sheegay in ay sii wadayaan baritaanka Wariye Jamal khashuqji.

Dad badan ayaa aaminsan in dowladda Turkigu ay arrintan u adeegsanayso qaab ay Sucuudiga oo aysan isku wanaagsanayn cadaadis ku saarto arrimo badan, sida inay qaaddo go’doominta Qadar iyo arrimo kale oo ay ku jirto danta Turkigu.

Waxaa Diyaariyay: Salmaan Jamaal Saciid

Hadalsame Media